“Wixii Qalab Iyo Lacag Loogu Talogalay Ka Hortagga COVID-19, Wax Ma Laga Waydiiyay Masuuliyiinta, Sida Ugu Haboon Ee Loogu Salayn Karo Baahida Jirta”Cali Guray. “
May 9, 2020 - Written by Berbera Today
“Ilaa Hadda Ma La Sheegi Karaa Tirada Dadka La Awoodo In Maalintii Laga Baadho Cudurka Covid19 Jsl? Sidee Ayuu se Yahay Qorshaha Goobaha Baadhistu?Cali Guray.
Waar Hooy Intay Goori Goor Tahay;
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka qaab ahaan miyay leedaha Waaxda Ka Hortagga Cudurada Faafa, sida COVID-19? Yaa Agaasime waaxeed ka ah,? imisa shaqaale caafimaad ah ayaa ka hawlgala oo gaar u ah xiligan ka hortagga COVID-19 dalka oo dhan, hadii ay dhakhaatiir, kalkaaliyayaal caafimaad iyo hadii ay shaqaale kale yihiinba? Ma haystaan horta iyagu (shaqaalaha caafimaadku( qalabkii ay iskaga ilaalin lahaayeen cudurkan marka ay goobaha shaqada joogaan (protection equipment)?. Wixii qalab iyo lacag loogu talogalay ka hortagga COVID-19 wax ma laga waydiiyaa sida ugu haboon ee loogu salayn karo baahiyahooda mise cid kale ayaa sidii ay doonto u qaybisa?