Fanaanka Saalax Carab Oo Xabsiga Hargeysa Laga Siidaayay Kadib Markii Uu Qaban Waayay Qodob Kamida Dastuurka Somaliland
May 10, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Fanaanka Saalax Carab uu u dhashay waddanka Yaman ayaa ugu danbeyn dib xoriyadiisii u heley goordhaweyd kadib markii mudooyinkii lasoo dhaafay uu ku xidhnaa xabsi ku yaala Hargeysa .
Warbaahinta ayuu lahadlay waxaanu si aada ugu mahad celiyay shacabka Somaliland isagoo sheegay inaanu wax abaala u hayn fanaaniinta Somaliland balse shacabku ay mudan yihiin.
Fanaanka ayaa la xidhay kadib markii dhawaan uu kasoo laabtey safar uu ku tagay magaaladda Muqdisho isaga iyo laba fanaan oo kale oo Somaliland u dhashay , waana xidhan yihiin ilaa hadda labadii fanaan ee kale .