Shirkadda Telesom Oo Guddida Ka Hortagga Covid19 Ku Wareejisay Deeq dhan $840,000
May 11, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkadda Telesom ayaa maanta Guddida Ka Hortagga Covid19 Ku Wareejisay $840,000 oo isugu jira $640,000 qalabka xanuunka lagula tacaalo iyo $200,000 oo kaash ah oo loogu talo galay qoysaska danyarta ah ee uu saameeyey xanuunka Covid19, shirkadda ayaa deeqdan kaga dhawaaqday shir jaraa’id oo maanta [Axad] ka dhacay madaxtooyadda.