Xoolo Dhoof Loo Diyariyay Oo Mudo 15 Saacadooda Ku Xanibnaa Dekeda Berbera Iyo Ganacsatadii Lahayd Oo Ka Hadashay
May 11, 2020 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Dekada Berbera waxaa Ku xaniban Xoolo LO Ah Loo rari Laha wadanka Cumaan oo ah isha kaliya ee ganacsiga Xoolaha ee Xiligan ufaran Somaliland.
Ganacsadae Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen(Shitaar)Ayana Khadka Telofanka Noogu Xaqiijiyay in Xoolahan oo Galay Dekada Shalay 5 galabnimo ay wali ku xaniban yihiin dekada dhexdeeda waxanu intaa ku daray in markii hore ciladi ku timid Wiishka doonta ku Rari lahaa Lo,da laalkiin Markiii La Hagaajiyay u Amar Bixiyay Isuduwaha Wasaarada xanaanada Xoolaha iyo kaluumaysiga ee Gobolka Saaxil Axmed Xaaji Cabdilaahi {Axmed loojee} Isagoo Yidhi Xoolaha Dib halloo Celiyo kuna sababeeyay in Wakhtigii ka dhacay oo waagu ka baryi doono xoolahana aan la ogolayn in Xiliga Maalinimada la raro.