Dawladda Somaliland Oo La Sheegay Inay Beesha Caalamka U Bandhigtay Mawqifkeeda Qaabka Ay Itoobiya Iyo Maraykanku U Wadaan Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland Oo La Sheegay Inay Beesha Caalamka U Bandhigtay Mawqifkeeda Qaabka Ay Itoobiya Iyo Maraykanku U Wadaan Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho
Dawladda Somaliland ayaa la sheegay inay beesha caalamka u bandhigtay mawqifkeeda qaabka ay Itoobiya iyo Maraykanku u wadaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
Ma jiro war rasmi ahi, laakiin warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Dawladu ay toddobaadkii u dambeeyay xidhiidho kala duwan la sameeysay dalalka beesha caalamka ee xidhiidhka wada shaqayneed la leh Somaliland, kuwaas oo la sheegay inay u bandhigtay inaanay Somaliland u sacabo tumayn qaabka wakhtigan ay Maraykanka iyo Itoobiya doonayaan inay noqdaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay dawladu sheegtay inay Somaliland diyaar u tahay dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho ee istaagay, laakiin aanay la dhacsanayn in laga leexiyo jidkii hore oo loo duwo wadiiqo kale.