Ra’iisul Wasaarihii Dalka Losotho Oo Isku Casilay Fadeexad La Xidhiidha Xaasaskiisa
Losotho(Berberatoday.com)-Ra’iisal wasaaraha dalka Lesotho, Thomas Thabane, ayaa ku dhawaaqay inuu iscasili doono, balse ma uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee uu kursiga ka dagi doono.
Mr Thabane ayaa culays badan lagu saaray inuu iscasilo kaddib markii lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa dilkii Lipolelo Thabane oo ahayd marwada ra’iisal wasaaraha.
Lipolelo, oo 58 jir ahayd ayaa toogasho lagu dilay laba maalin kahor doorashadii 2017, kahor inta uusan Thabane noqon ra’iisul wasaare.