Madaxweynihii Hore Ee Galmudug Cabdikariim Xussen Guuleed Oo Shacabka S/land Ugu Hanbalyey Xuska 18 May , Villa Somaliya-na Fariin U Diray
May 20, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dhammaan Shacabka reer Somaliland iyo maamulkoodu waxey mudanyihiin in aan ku bogaadino guullaha ay ka gaareen nabadda, horumarka, dib-uheshiinta, hannaanka doorashooyinka, wadajirka bulshadda iyo hirgalinta nidaamka axsaabta. Qof walba oo nabad iyo nidaam ka hirgaliyay taako ka mid ah dhulka Soomaaliddu degto waa tusaale xigasho iyo ammaan mudan.
Maanta 29 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha reer Soomaliland iclaamiyeen gooni isu-taag dhankooda ah. Dhalaankii maalinkaas dhashay, hada waa masuul iyo aqoonyahan talada qeyb ka ah.