berberatoday.com
Si aan Turxaan Lahayn ha Loola Xisaabtamo Guddida Heer Qaran ee Covid-19 iyo Dowladda Somaliland. Qalinkii Suxufi Maxamed Cirro.
May 25, 2020 - Written by Berbera Today

Si aan Turxaan Lahayn ha Loola Xisaabtamo Guddida Heer Qaran ee Covid-19 iyo Dowladda Somaliland. Qalinkii Suxufi Maxamed Cirro.

Waxa aan jecelahay in aan si kooban uga faaloodo deeqaha kala duwan ee isugu jira lacagta kaashka ah iyo qalabka caafimaad ee ilaa hadda soo gaadhay Dowladda Somaliland iyo Guddida Heer Qaran ee Covid-19, kadibna waxa aan halkan talooyin kala duwan ugu soo jeedinayaa Dowladda, Guddida Heer Qaran, Xisbiyada Qaranka iyo Shacbiga reer Somaliland, iyadoo aan soo qaadanayo Shirkadaha waddaniga ah mid walba waxa ay bixisay ee ah qalab caafimaad oo ay soo iibisay iyo lacagta kaashka ah ee ay bixisay.
Shirkadda World Remit, waxay Somaliland ku caawisay qalab caafimaad oo isugu jira kuwa afka iyo gacmaha la gashado, qalabka loogu talogalay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee la tacaalaya xannuunkan Covid-19 iyo waxyaabaha kimikalka ah ee gacmaha lagu nadiifiyo (hand sanitizers), qalabkaasna qiimahiisu waxa lagu sheegay inuu dhan yahay hal milyan oo doollar ($1,000,000). Aasaasaha Shirkadda World Remit Mr. Axmed Ismaaciil, ayaa sidoo kale soo iibiyey qalab qiimahiisu intaas ka badan yahay oo uu ugu talogalay inuu dadka reer Somaliland kaga xaraasho qiimo la mid ah intii uu soo siistay, wax macaash ahna aannu dul-saarin, markaa waxa muhiim ah in la ogaado in aanay Shirkadda World Remit iyo aasaasaheeduba aanay wax lacag kaash ah ku wareejin Guddida Heer Qaran ee Covid-19.
Dahabshiil Group
Shirkadda Dahabshiil Group waxay ku yaboohday qalab kala duwan oo kuwa caafimaadka oo qiimahoodu dhan yahay $600,000 (lix boqol oo kun oo doollar), waxaanna muhiim ah in la ogaado in aanay shirkaddu lacagtaas oo kaash ah ku wareejin Guddida, balse waxay ku soo iibisay qalab isugu jira mishiinnada waaweyn ee ogsojiinta dhaliya, mishiinnada yaryar ee lagu xidho qofka xaaladdiisa caafimaad sababto in ogsojiin la siiyo iyo qalab kale, waxayna shirkaddu deeqdan shaacisay 17 May 2020.
 Dhinaca kale, waxa ay Shirkadda Dahabshiil isla maalintaas bixisay jeeg ay ku qoran tahay lacag dhan $200,000 (laba boqol oo kun oo doollar) oo ay Shirkaddu ugu talogashay in raashin loogu iibiyo afar kun oo qoys, lacagtaasina waxay ahayd mid jeeg ah.
Shirkadda Telesom
Shirkadda Telesom, waxay bixisay deeq qalab caafimaad ah oo qiimahoodu yahay $640,000 (lix boqol iyo afartan kun oo doollar) taariikhdu markii ay ahayd 10 May 2020, lacagtaasina may ahayn mid kaash ah, balse waxay shirkaddu ku soo iibisay qalab kala duwan. Waxa kaloo ay isla maalintaas Shirkaddu bixisay jeeg ay ku qoran tahay lacag dhan $200,000 (laba boqol oo kun oo doollar) oo loo qoondeeyey in raashin loogu iibiyo afar kun oo qoys.
Ganacsade Cabdiraxmaan Boore
Ganacsadaha reer Jabuuti, waxa uu Guddida Heer Qaran ee Covid-19 ku wareejiyey jeeg lacag ah oo ay qoran tahay $100,000 (boqol kun oo doollar. Dhinaca kale waxa uu ganacsadahani uu lacag dhan $70,000 (toddobaatan kun oo doollar) oo loogu talogalay in qoysaska baahan raashin loogu iibiyo uu ku wareejiyey Guddoomiyaha Hay’adda U-diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Md. Faysal Cali-sheekh.
Shirkadda Laydhka ee Sompower
Shirkadda Sompower, waxay Guddida Heer Qaran ee Covid-19 ku wareejisay lacag dhan $50,000 (konton kun oo doollar).
Dowladda Somaliland
Dowladda Somaliland waxay caddaysay inay furtay saddex sanduuq oo mid walba loogu talogalay qorshe gaar ah, iyadoo saddexdaas sanduuq midkasta lagu shubay lacag dhan $3 milyan oo doollar, saddexdaas sanduuqna waxay kala yihiin;
• Sanduuqa La-dagaalanka Xannuunka COVID-19, waxaanay ku shubtay $3 milyan oo Doollar.
•  Sanduuqa Miskiin-kalkaal oo lagu uruurinayo qaadhaan lagu taakuleeyo Dan-yarta uu noloshooda saameeyey xannuunka COVID-19, waxaanay Dowladdu ku shubtay Sanduuqaasi $1 milyan oo Doollar.
• Dowladdu waxa ay furtay Sanduuq loogu talo-galay in lagu taakuleeyo ganacsatadda yar-yar ee uu saameeyey COVID-19, waxaanay Dowladdu ugu deeqday Sanduuqaasi $1 milyan oo doollar.
Haddaba, lacagta kaashka ah ee shirkadaha dalka iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore ay ilaa hadda ku wareejiyeen Guddida Heer Qaran ee Covid-19 waxay dhan tahay $550,000 (shan boqol iyo konton kun oo doollar) oo loo qoondeeyey in dadka dan-yarta ah raashin loogu iibiyo (waxa intaas dheer lacag dhan $70 kun oo doollar oo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore ku wareejiyey Hay’adda U-diyaargarawga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka). Lacagta ay dowladdu ku shubtay saddexda sanduuq ee ay soo bandhigtay waxay iyaduna dhan tahay $3 milyan oo doollar, markaa isku-darka dhaqaalaha ay dowlad iyo shirkaduhuba u qoondeeyeen arrimaha khuseeya Covid-19, waxay isku noqonaysaa $3,550,000 (saddex milyan, shan boqol iyo konton kun oo doollar).
Geesta kale, qalabka caafimaadka ee ay shirkaduhu soo iibiyeen, qaybo ka mid ahna soo gaadheen dalka, qaar kalena aanay weli soo gaadhin waxa uu qiimahiisu dhan yahay $2,240,000 (laba milyan, laba boqol iyo afartan kun oo doollar), lacagtaasna yaan kaash ahaan loo xisaabin ee qalab ahaan ha  loo xisaabiyo, iyadoo sida ay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Dowladduba sheegeen aannu inta badan qalabkaas caafimaad weli si rasmi ah u soo wada gaadhin dalka.
Waxa kaloo intaas dheeraad ku ah deeqaha agabka caafimaadka ee ay Dowladda Somaliland ka heshay dalalka Imaaraadka Carabta, Qadar iyo Hay’adda WHO oo ah kuwa sida rasmiga ah loo ogyahay ee dalka soo gaadhay, halka sidoo kale ay suurtogal tahay in qalab iyo lacago kale oo intaas ka badanba ay dalka soo gaadheen.  Dowladda Hoose ee Hargeysa iyo Maayirka Caasimadda, ayaa iyaguna caddeeyey inay qalab iyo gaadiid caafimaad ku wareejiyeen Guddida Heer Qaran.
Haddaba, marka ay xaaladdu sidaas tahay, lana ogyahay in xannuunkan Covid-19 uu si xooggan ugu dhex faafayo gudaha dalka Somaliland, waxa dowladda iyo Guddida Heer Qaranba waajib ku ah inay bulshada u soo bandhigto, lana wadaagto tirada qalabka iyo xaddiga lacagta kaashka ah ee ilaa hadda sida rasmiga ah u soo gaadhay gacantooda iyo inta aan weli soo gaadhin ee ballanqaadka ah, kadibna ummadda lala wadaago qaabka loogu talogalay in loo qaybiyo qalabka iyo dhaqaalaha taakulaynta ah ee la hayo, si looga baxo qoraalada tuhunka iyo jaho-wareerka abuuraya ee ay dadku ku faafinayaan baraha bulshada, sida facebook-ga. Haddii dowladda iyo Guddidu qorshe faahfaahsan iyo nidaam daah-furnaan ah la iman waayaan waxa sii badan doona tuhunka ah in sifo khaldan looga faa’iidaystay deeqaha kala duwan ee loogu talogalay la-dagaalanka Covid-19.
Xisbiyada mucaaridka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland, waxa iyagana looga baahan yahay inay si hufan oo wax-toosin ah u dabo-galaan deeqaha isugu jira lacagaha kaashka ah iyo qalabka caafimaad ee la soo gaadhsiiyo dowladda, kadibna lagula xisaabtamo qaabka loo maamulayo deeqahaas kala duwan, iyadoo maanka lagu hayo deeq kasta oo timaada waxa loogu talogalay. Tusaale ahaan lacagaha ugu badan ee kaashka ah ee Shirkaduhu bixiyeen waxay u qoondeeyeen in raashin loo siiyo dadka dan-yarta ah, taasna waa in Guddida iyo Dowladdaba lagu dabagalo. Waxa iyaduna muhiim ah in xisbiyada iyo dadweynuhu ay si hufan Dowladda ugula xisaabtamaan qaabka loo maamulayo saddexda sanduuq ee mid walba lagu shubay lacagta dhan halka milyan ee doollar.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews