berberatoday.com
Siyaasi Cumar Dubbe Oo Baaq Culus Ujeediyey Madaxweyneyaasha Somaliland, Somalia & Suldaan Siciid
May 27, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cumar Dubbe Cali-yare, ayaa Baaq muhiim ah u jeediyey Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi iyo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, waxaanu Farmaajo u soo jeediyey inuu aqoonsado Somaliland haddii uu doonayo inuu Taariikhda magac fiican ku yeesho.

Siyaasi Cumar Dubbe oo Salaasada 26-ka May 2020 Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale ugu baaqay inuu dowladda si dhaqso ah ugu soo wareejiyo Nin dil ka geystay degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag oo ka soo jeeda Bulshada uu Suldaanka u yahay, isla markaana uu ku soo laabto Miiska nabadda, isfahamka iyo isu-soo dhawaynta Dadka deegaanka uu Suldaanka u yahay.

Sidoo kale, Cumar Dubbe waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu dib ugu celiyo Huteelka Hargeysa Clup oo uu maalgeliyey Suldaan Siciid, hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland dhawaan sheegtay inay dib ula wareegtay, si loo soo afjaro khilaaf tallaabadaa Xukuumadda ka dhashay.

Haddaba, Siyaasi Cumar Dubbe Cali-yare, oo qodobbadaas iyo kuwo kale si faahfaahsan uga hadlaya, isla markaana ka jawaabaya su’aalo kala duwan oo xaaladaha siyaasadda Somaliland, Soomaaliya iyo Eritrea laga weydiiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho habboon

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews