berberatoday.com
Haweenay Muslimad Ah Oo Noqotay Garsoorihii Ugu Horreeyay Ee Xijaab Xidha Dalka Ingiriiska
May 28, 2020 - Written by Berbera Today

Uk(Berberatoday.com)-Haweenay u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa noqotay garsoorihii ugu horreeyay ee reer galbeed ah oo xijaaban, waxa ay rajaynaysaa in ay dhiirrigelin u noqoto dhalinyarada muslimiinta ah.

Raffia Arshad, oo 40 jir ah, kuna kortay magaalada Yorkshire, woqooyiga England, waxay dooneysay inay sharciga ka shaqeyso tan iyo markii ay jirtay 11 sanno.

Ms Arshad, oo ah qareen, ayaa toddobaadkii la soo dhaafay loo magacaabay ku xigeenka garsooraha degmada Midlands.

Waxay sheegtay in dalacsiinteeda ay ahayd war weyn oo ku saabsan kala-duwanaanshaha nidaamka sharciga adduunka ee aadka loo ixtiraamo.

Ms Arshad ayaa sheegtay in xafiiska garsoorka uu raadinayay inuu sare u qaado kala duwanaanshaha, laakiin markii ay magacaabeen iyagu ma ayna ogeyn inay xijaab qaadatay.

’’Waa u muhiim dumarka oo dhan, laakiin waxay si gaar ah muhiim ugu tahay haweenka muslimiinta ah,’’ ayay tidhi Ms Arshad.

Ms Arshad, oo ah hooyo seddex carruur ah leh, waxay ahayd qofkii ugu horreeyay ee qoyskeeda taga jaamacad sidoo kale waxay qortay qoraal hordhac ah oo ku saabsan sharciga qoyska Islaamka

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews