“Wasiirada Anigu Lama Yaabo Waayo, Irbad Mid Dun Gelin Karaa Ma Jiro, Haddii Aanu Madaxwaynuhu Isagu Ku Amrin”Cali Guray. “
May 28, 2020 - Written by Berbera Today
“Guddida Uu Madaxwaynuhu U Magacaabay Ka Hortagga Cudurka Covid19 Xubnaha Badankoodu Waa Wasiiro Aan Heerka Farsamo Ee Hawsha Loo Magacaabay Waxba Ka Ogayn”Siyaasi Cali Guray.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” Oo Kamid ah Haldoorka Reer Somaliland Ee Badi ka hadla xaalada dalka Ayaa ka dayriyay rajada waxqabad ee laga filan karo gudida Heer qaran ee ka hortaga xanuunka coronavirus uu u Magacaabay madaxwaynaha jsl muuse biixi oo uu sheegay in Aanay lahayd awood ay shacabka ugu qabtaan marka laga Reebo waxa uu amro in ay qabtaan madaxwaynuhu taasi oo Aan laga filayn in wax soo kordhiyaan.