Xukuumadda Somaliland Oo Si Adag U Cambaaraysay Hub Dawladda Masar Ku Caawisay Somaaliya. “
May 28, 2020 - Written by Berbera Today
“Waxaanu Midowga Afrika Iyo Qarammada Midoobay Ku Wargelinaynaa Halista Ka Dhalan Karta Hubkaas Sharci Darrada Ah Ee Masar Sida Qarsoodiga Ah U Siisay Xukuumada Farmaajo”Wasiirka Gaashaandhiga Jsl.
Hargeysa(BErberatoday.com)_Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa cambaareeyey hub dawladda Masar Si qarsoodiya dhawaan ugu deeqday Xukuumadda Itaalka daran ee Soomaaliya, kaasi oo ka hor imanaya cunaqabateyntii hubka ee Qarammada Midoobay ku soo rogtay Soomaaliya.
