berberatoday.com
Shirweynihii Afraad Ee Xisbiga KULMIYE Oo Markale Dib U Dhacaya, Xili Muddadii U Qorshaysnayd Maalmo Koobani Innaga Xigaan.
May 29, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Talada Dalka Haya Ee KULMIYE ayaa waxa muuqata inuu mar kale dib u dhac ku yimi shir weynihiisa afraad, kaasi oo U muddaysnaa in la qabto horaanta bishan foodda inagu soo haysa ee Juun, taasi oo ay inaga xigto laba maalmood oo kal ahi, balse waxa hadda muuqata inuu shirkaas dib uga dhacayo  wakhtigii hore loogu qorsheeyey in lagu qabto shirweynahaasi.

Shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ayaa ah mid si weyn ay ugu dheg taagayeen bulshada reer Somaliland oo ay si gaar ah u xiisaynayaan qabsoomidiisa, isla markaana ay dhawrayeen  qaabka uu  u qabsoomayo iyo natiijada kasoo baxaysa gunaanadkiisa, maadaama lagu dooranayo hoggaanka xisbiga ayaa hadda shirkaasi ayaa waxa uu muuqdaa mid dib uga dhacaya wakhtigiisii loo qorsheeyey oo ahaa bilowga bishan juun.

Sidoo kale siyaasiyiin si gaar ah dano uga lahaa qabsoomidda shirkan islamarkaana u gunti giijisnaa ayaa u muuqda inay hungo ka taagan yihiin oo uu dib u dhacaaasi xagal daaciyay dadaalkoodii, waxaanay warar hoose sheegayaan inay siyaasiyiintaasi shirar duceeyo arintani ku saabsan maalmahan ku jiraan.

Dhanka kalene Xoggo hoose soo baxaya ayaa la xidhiidhinaya dib u dhaca shirkaas cudurka halista ee ah ee karoona Fayras,kaas oo ay sii kordhayso gudaha  Somaliland tiradda dadka uu ku dhacay iyo kuwa u geeriyoonaya cudurkaas maalin walba, waxaana wararkani sheegayaan in masuuliyiinta xisbiga Kulmiye dhawaan la hadli doonaan warbaahinta.

Geesta kalena Guddida ka horttaga cudurka karoona Fayras ee Somaliland,ayaa waxay  maamnuuceen  shirarka iyo xafladaha la isku yimaado, si looga hortaggo faafitaanka cudurka halista ah ee karoona fayras

Ma Jiro wax war ah oo amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay guddida qaban qaabada shir weynaha  afraad Xisbiga KULMIYE  iyo masuuliyiinta kale ee Xisbigaba, haseyeeshee shirkaasi ayaa ah mid dib uga dhacay wakhtigii la baahiyey in lagu qabanayo ee bilowga bisha juun.

Xigasho; Wargayska Foore.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews