berberatoday.com
Wasiirkii Labaad Oo Xukuumada Somaliland Ka Tirsan Oo Sheegay In Laga Helay Caabuqa Covid-19.
June 2, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Dr Cabdiweli Suufi, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in laga helay cudurka.

Qoraalka wasiirka ayaa u dhiggan sidan.

“Aniga oo ka duulaya mas’uuliyadda iga saaran badqabka iyo caafimaadka qoyskeyga iyo ka bulshada aan xila u hayo waxa aan si iskay ah (Personal) isaga baadhay Caabuqa COVID-19, kadib markii aan iska shakiyay, baadhitaankaa oo natiijadiisu noqotay ‘Positive’.
Ujeeddada ugu weyn ee aan isku baadhay waa in aan qayb ka noqdo dadaalka lagaga hortagayo Covid-19 islamarkaana lagu xakamaynayo faafida xanuunkani ku faafayo bulshada dhexdeeda siiba dadka u nugul oo ay ka mid yihiin dadka waaweyn iyo dadka qaba xanuunada lala noolaado oo uu Covid-19 khatar ku yahay.
Markii aan ogaaday natiihada waxa aan islamarkiiba baadhitaan aan ku sameeyey xubnihii qoyskeyga iyo shaqaalaha Wasaaradda oo jawaabta aanu sugayno.
Imika caafimaadkaygu aad ayuu u fiican yahay, shaqadii aan qaranka u hayayna guriga ayaan ka soo shaqeeya, iyada oo aan qayb guriga ka mid ah isku Karantiimay muddo 14 maalmood ah sida dhakhaatiirtu igula taliyeen.
Dhammaan bulshada, gaar ahaan madaxda iyo dadka magaca leh waxa aan u soo jeedinayaa in ay iska baadhaan Covid-19 si ay nafahooda iyo kuwa dadka ay jecel yihiin u badbaadiyaan, bulshadana tusaale ugu noqdaan.
Ugu dambayn, waxan mahadnaq balaadhan u jeedinayaa hawlwadeenada caafimaadka JSL oo heegan ugu jira samato bixinta dhamaan bulshada Somaliland.

Guryaha jooga
Kala fogaada
Gacmaha maydha
Taxadirku waa muhii”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews