Haamaha Shiidaalka Berbera Ee Dawlada Oo Hoos Udhac Dhaqaale Iyo Mid Adeegba Kuyimi Iyo Sababta”Warbixin Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige
June 3, 2020 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Wararka Kasoo Baxaya Xarunta Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Magaalada Berbera Ayaa Sheegaya In Haamaha Kaydka Shidaalka Uu Isbedel Kuyim Xaga Shaqada Ahi.
Xaalada Isbedel Ee Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Magaalada Berbera Ayaa Salka Kuhaya’ Kadib Markii Ay Shirkada Dahabshiil Group Ay Kadhisatay Haamaha Casriya Kuwa Dawlada Agteeda Kaasi Oo Ay Uwareegeen Dhamaan Shirkadahii Kushuban Jiray Shidaalka’Haamaha Dawlada.
“Ugu Yaraan( 80)booyadood Oo Shidaala Ayaa Laga Dhaamin Jiray Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Qaranku Leeyahay Halka Maantana Wararku Sheegeen In Todobaadkii Ugu Danbeeyay Maalmaha Qaar Laga Dhaamiyay Ilaa (10)booyadood.
Taasina Waxay Kamarag Kacaysaa Hoos Udhaca Kuyimi Haamahii Qaranku Lahaa Kadib Markii Laga Agbineeyay Haamo Ay Leeyahiin Dad Shacbi Ahi.
Dhanka Kale Waxa Jira Muran Udhaxeeya Shirkada Shidaalka Keena Iyo Xukuumada Madaxwayne Biixi Kuwaasi Oo Isku Maan-dhaafsan Keenista Shidaalka Oo Ay Xukuumadu Hore Usheegtay In Ay Shidaalka Keeni Doonto’ Balse Aanay Ilaa Hadda Talaabo Qaadin Ay Ku Keenayso Shidaalka’
Sikastaba Xaalku Ha Ahaadee Shirkada Dahabshiil Group Ayaa Meesha Kasaartay Kootadii Ahayd In Xukuumadu Oo Qudha Haamo Yeelankarto’ Madaama Loo Ogolaaday Inay Haamo Samaystaa’
Haamaha Ay Leeday Shirkada Dahabshiil Group Ee Dhinaca Shidaalka Ah Ayaa Dalka Uhorseedi Doona Fawdo Ah Inay Cidkasta Oo Lacag Haysataa Ay Haamo Shidaal Samaysato.Ama Garoono’Diyaaradeed’
Waxaana Muuqata Inay Meesha Kabaxayaan Haamahii Shidaalka Ee Qaranku Lahaa Hadii Aan Xukuumada Madaxwayne Biixi Wax Kaqaban Haamaha Bareefadka Ah Madaama Kuwii Dawlada Laga Hayaamay’Oo Loona Wareegay Hamahii Shirkada Dahabshiil.

Abdirhmaan Cige