Suldaan Siciid Cabdisalaan Cali Shire Oo Putland Kasoo Duday Hargeysa-na Dhuumasho Ku Jooga Iyo Sababta Safarkiisa
June 3, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaan Siciid Cabdisalaam Maxamuud Cali Shire ayaa ku sugan Magaalada Hargaisa sida warku sheeegayo waxana uu degen-yahay hotel Baraar ee Magaalada Hargaisa.

Suldaanka ayaa Mudo dheer ka maqnaa Magaalada Hargaisa & Guud ahaan Somaliland, waxana ay Siyaasadiisu ku badnayd dhinaca Gobolada Puntland tan Doorashadii Puntland ee 08-January 2019- waxa uu Gacan-saar la lahaa Puntland isaga oo soo xulay Xildhibaanada Gobolka Sanaag ee dhinaca Puntland.
Hase ahaatee Siyaasada Suldaanka ee dhinaca Puntland waxa aad uga shaqeeyay oo Ku hayay Puntlnad bay leeyihiin Dadka arrimahan lafa Guraa Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Puntland C/xakiin Xaaji Maxamed Dhooba-daareed, in kastoo markii danbe ay kala xadhig furteen.
Qorshaha uu u yimi Hargaisa lama sheegin waxana uu aad isaga ilaalinayaa Warbaahinta isaga oo qorshaynaya inuu la kulmo Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland.
Safarka Suldaanka waxba kama aysan ogayn Masuuliyiinta Gobolka Sanaag ee dhinaca Hargaisa.
Tubsan TV-
Ali Magan
Hargaisa