“Ummad Laguma Qiimeeyo Sida Ay U Qadariso Kuwooda Hodanka Ah Ama Awoodda Leh, Ee Waxa Lagu Qiimeeyaa Siday U Qadariso Kuwooda Saboolka Ah”!Cali Guray. “
June 3, 2020 - Written by Berbera Today
“Wallahi Muuse Biixi Maalinta Qiyaamaha Ilaahay Wuu Su,aali Ubadka Yaryar Ee Laga Yaabo Inay Qadoodi Habeenkii Ku Seexdaan Waalidkoodii Iyo Gaadiidkii Loogu Shaqaynayayna Kibirka Iyo Awood Sheegashada Aan Sharciga Ahayn lagu haysto..”Cali Guray.
Dagaalkii Jaadka Ee xukuumaddu wax kale lama odhan karo ee wuxu ahaa keliya WAALIDUUL. Horena dadkii uga digay ee ka jooga lahaa ka mid baan ahaa. Waynu ogayn oo muu jirin Jaad la joojiyay ama la joojin kari waayay. Xukuumaddu waxay Maalin kasta lumin jirtay cashuur u dhigmaysay ilaa 200,000$. Hawlgalka ciidanka dagaalka jaadka ee xuduudka ku dhaw 1000Km mitir lacag intaa aan ka yarayn ayaa lagu khasiri jiray. Kumanyaalka gaadiidka jaad doonka ah ee xadka iyo Tuulootinka bari ilaa galbeed buuxiyay lacagta ku baxaysay Iyaga haba sheegin. Waar adigu maalintii 500000$ oo khasaare Ah wax aan ahayn oo laga faaiiday may jirin. 20kii cisho 10 Milyan oo doolar ayuu gaadhi karayay inta ay dawladdu Ku Wayday waaliduulkii dagaalka Jaadka ka hortagga Covid19 wax Uu ka tarayna may jirin oo taana waynu ognahay.