berberatoday.com
Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dalka Jabuuti Iyo Kacdoonada Ka Dhashay Muuqaalkii Uu Soo Duubay Askarigii Ku Xidhaa Xabsiga Gabood.
June 6, 2020 - Written by Berbera Today

Jabuuti(Berberatoday.com)-Shalay Ayay Ahayd Markii Baraha Bulshada lagu Baahiyay Muuqaal Murugo leh oo uu soo Duubay Askarigii Duuliyaha Ahaa ee ku xidhan Xabsiga Magaalada Jabuuti Fu,aad kaasi oo ku dhex xabisan Suuli kamid ah Kuwo Xabsiga gabood Kuyaala.

Shacabka Reer jabuuti iyo Ehelada Uu kasoo jeedo Askariga xidhan ayaa siwayn uga dhiidhiyay nolosha uu ku sugan yahay muwaadin reer jabuuti kaasi oo sobobay in maale kamid ah dalka jabuuti ay ka dhacaan mudoharaado lagaga soo horjeedo falkan argagaxa leh ee xukuumadu kula kacday askari fu,aad.

 

Sidoo kale waxaa dhacdadani ka hadlay qaarkamid ah culimada dalka jabuuti ee ku sugan dalka dibadiisa oo hore dalka  jabuuti uga cararay kadib markii xukuumadu kula kacay falal xadhig iyo cabudhin oo xukuumada madaxwayne geele kula kacay,

Shacabka reer jabuuti iyo shakhsiyaadka ka hadlay muqaalka uu soo duubay askrigan reer jabuuti ayaa ku baaqay kacdoon lagaga soo horjeedo madaxwayne ismaaciil Cumar geele iyo xukuumadiisa oo mudo dheer haysay talada dalka,

Xadhiga iyo tacadiga ay xukuumada madaxwayne geele kula kacday duuliye fa,uud ayaa laga cabsi qabaa in ay dalka jabuuti ka abuurto kacdoon lagu diidan yahay xukuumada talada dalka jabuuti haysta, taasi suurtalgal ka dhigi karta in xukunka laga tuuro xukuumada geele taasi oo hadii ay dhacdo horjeedi karta in dalka jabuuti waajaho qalalaase siyaasadeed oo uu horseed unoqdo xadhiga shacabka qaar ay xukuumadu kula kacdo.

 

Sikastaba ha ahaatee xukuumada madaxwayne geele ayaa iyadu qaaday talaabooyin kale oo ay shacabka ku cadaadinayso iyadoo gabi ahaanba shacabka ka xidhay isticmaalka internetka iyo telefoonka ay shacabka ka xidhiidhaan oo la saaray cadaadis dheeraada iyo dhagaysi lagula soconayo xidhiidhka shacabka taasi oo cidii lagu ogaado in ay wado abaabul shacab ay xukuumadu talaabo ka qaadayso.

Dhanka kale bulshada caalamka ee indhaha ku haysa arimaha ka socda dalka jabuuti ayaa saadilanaya in muqaaalka uu soo duubay askarigani uu noqon karo kacdoonkii dalka tunisiya oo kale ee wiilkii dhalinyrada ahaa ee tacadi uu ka tirsaday xukuumadu fagaaraha iskugu gubay kaasi oo sobobay kacdoon talada lagaga tuuray xukuumadii wakhtigaa ka talinaysay dalka tuunis kaasi oo dhanka kale horseed unoqday kacdoonadii ka dhacay dalalka carabta qaarkood oo talada dalalka qaar lagaga tuuray xukunka hogaamiyayaal mudo dheer xukunka dalalkooda haystay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews