Madaxwaynaha Somaliland Oo Tacsi Udiray Qoyskii Iyo Shacabka Uu Ka Baxay Marxuum Cali Qoorseef Oo Hargaysa Ku Geeriyooday.
June 8, 2020 - Written by Berbera Today
TACSI MADAXWEYNE: 08/06/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Xasan (Cali Qoorseef) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 08/06/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
