Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi Udiray Qoyska Iyo Qaranka Somaliland Uu Ka Geeriyooday Gudoomiyihii Gobolka Togdheer Marxuum Xamse Cadaw Yuurura
June 8, 2020 - Written by Berbera Today
TACSI MADAXWEYNE: 07/06/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawlkar ah oo xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey, tilmaan iyo hiigsina u ahaa da’a yarta dalka, kuna suntanaa daacadnimo iyo dedaal.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.