Dawlada Somaliya Oo Sheegtay In Shirkada DP World Khatar Kuhayso Dhulka Somalida
June 9, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkadda DP-world ee Imaaraadku ay khatar gelisay dhulka Soomaaliya, isla markaasna la joogo xilligii laga difaaci lahaa dalka.
“Shirkadda DP-world way na xumaysay, waxayna khatar gelisay midnimada dalkeenna, welina ma joojin faragelinteedii, waan sabirnay, sabirkuna xad ayuu leeyahay; waxaan diryaar u nahay in aan ka difaacno dalkeenna, si lamid ah cidkasta”
Sidaas waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Ciise oo la hadlayey Telefishinka Al-Carabiy.