“30 Sano Ayaa Galgalin La Fadhiyaa, Isbeddel-baa Loo Baahan Yahay…”Siyaasi Cali Cantar
June 10, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cali Cantar oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay Qoraal loogu Magac-daray ‘Baaq Shacab’, kaasi oo dhawaan ay soo saareen qaar ka mid ah dhallinyarada Aqoonyahanka ah ee Somaliland isla-markaana isku waydiiyeen waxa Somaliland u qabsoomay 30-kii Sanadood ee u dambeeyay.