Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Itoobiya Oo Loo Doortay Gudoomiye Cusub Oo Soomaali Ah
June 10, 2020 - Written by Berbera Today
Jigjiga(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenkii dawlad deeganka soomaalida Itoobiya Aadan Faarax ayaa loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka dawlada federaalka ah ee Itoobiya.
Aadan Faarax ayaa booskan loo doortay isla markaana loo dhaariyey ka dib markii ay iscasishay gudoomiyihii aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Itoobiya Khayriya Ibrahim oo ka soo jeeday qoomiyada Tigreyga oo todobaadkan shaacisay inay iska casishay xilkii iyo xubinimadii ay ka haysay baarlamaanka dalka Itoobiya.
Aadan Faarax ayaa hore u ahaa xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Itoobiya, markii ay iscasishay gudoomiyihii golahaasina waxa loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha aqalka sare taas oo kor u sii qaadaysa xilalka sare ee soomaalidu ka qabanayso dawlada federaalka ah ee Itoobiya.