Maraykanka Oo Xukuumada Madaxwayne Farmaajo Ugu Baaqay In Ay Kulan Deg Deg Ah La Yeelato Madaxda Maamul Goboleedyada Somaliya.
June 10, 2020 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Villa Somaliya inay qaban-qabaabiso kulan dhex mara madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowladda goboleedyada.
Qoraal kooban oo safaaradda Maraykanku ku leedahay magaalada muqdisho ku baahisay barta ay ku leedahay Twiterka ayaa lagu sheegay in dawlada madaxwayne farmaajo looga baahan yahay in ay deg Deg wada-shaqeyn iyo kulan ula yeelato madaxda dowlad goboleedyada si loo xaliyo khilaafyada jira.
