Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Lix Masuul Oo Madax Ka Noqon Doona Mashruuca Berbera Corridor Ee Ay UAE Maalgelinayso
June 11, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay lix masuul oo madax ka noqon doona mashruuca Berbera Corridor ee ay hay’adda Horumarinta ee Abu Dhabi ee dalka UAE maalgelinayso.
Warqad uu Madaxweyne Biixi 3 June u diray Abu Dhabi Fund for development oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Wargeyska Geeska Afrika helay, wuxuu ku magacaabay lix masuul oo isugu jira khubaro injineero ah iyo kuwo maamulka iyo maaliyadda qaabilsan, waxaanu warqada nuqul ka mid ah wargelin ku siiyay wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Faratoon, isagoo aan haba yaraate warqadan lagu xusin wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka, waxaanu unugan uu Madaxweynuhu dhisay ay si toos ah u hoos imanayaan Madaxweyne Biixi.