Mudo Haraado Markale Ka Istaadhmay Magaalada Jabuuti Oo Lagaga Falcelinayo Muuqaal Ay Dawlada Kasoo Duubtay Duuliyaha Xabsiga Ku Xidhan.
June 11, 2020 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Qaarkamid shacab ku dhaqan xaafadaha Magaalada jabuuti ayaa iskugu soo baxay banaan baxyo Ay kaga soo horjeedaan xadhiga duuliye fu,aad yuusuf cali oo shalay xukuumada madaxwayne ismaaciil cumar geele xabsiga kaga soo dhex duubtay muuqaal ay ku qasabtay in uu warbaahinta dawlada la hadlo oo ay ku majaro habaabinayso tacadiga ay kula kacday askariga ciidanka cirka katirsanaa ee ku xidhan xabsiga magaalada jabuuti ee gabood.
