berberatoday.com
“Maamulka Muqdisho Wuxuu Quudhi La’ Yahay Horumarka, Xasiloonida Iyo Dawladnimada Somaliland”
June 13, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa digniin u dirtay Dawladda Soomaaliya, oo ay sheegtay inay ka xun tahay horumarka, xasiloonmida iyo dimuqraadiyada Somaliland ka jirta.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Shacabka Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay ka feejignadaan wax kasta oo lagu kala qaybinayo, waxaanu ugu horeyn yidhi “Somaliland oo Waddan xor ah, arimihiisa iyo heshiisyadiisana waa u xor, cid uu wax ka weydiinayana ma jirto, cid kasta oo isku dayda inay hor istaagana way ku xiiqaysaa, markaas Maamulka Muqdisho wuxuu quudhi la’ yahay horumarka, xasiloonida, dawladnimada iyo qaranimada Somaliland ka jira, waxaana uga digaynaa Maamulka Muqdisho ee uu Farmaajo Madaxweynaha ka yahay in aanay arimaha Somaliland faraha la soo galin, ee ay ku eekadan tooda, sababtoo ah anaguba arimaha Soomaaliya ma fara gashano, sidaas awgeed  raali kama nihin in Waddan kale arimahayaga soo faragashado, cid kasta oo xadkayaga iyo qaranimadayada ku soo duusha, talaabo adag ayaanu ka qaadaynaa,”.

Mar uu Shacabka reer Somaliland baaq u diraayey ayaa yidhi “Guud ahaan Shacabka Somaliland Gobol kasta, Deegaan kasta iyo Magaalo kasta oo ay joogaan waa dad walaalo ah, waa dad isku qaran ah, waa dad isku qadiyad ah, qaranimada Somaliland ayaa ka dhexeeysa, ee Shacabku marnaba yaanay raalli ka noqon in qabyaaladda iyo wax la mid ah lagu kala qaybiyo oo cadawgu ka faa’iidaysto, ee qarankooda ha wada ilaashadan, cadawgoodana meel ha uga soo wada jeestaan”

 

 

 

Xigasho Wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews