Abiy Ahmed Waa Axmaar Shaadh Oromo Xidhan!WQ:Cali C. Coomay.
June 14, 2020 - Written by Berbera Today
Hadal kama taagna inuu Raysal wasaaraha Itoobiyada wakhtigani uu ku shaqaynayo siyaasaddii guunka ahayd ee ay aaminsanayd qoomiyada ugu damaca badan dalka Itoobiya ee Axmaaradu. Marka la eego hadalladaasii intii uu xilka hayey wuxuu la safan yahay, lana dhacsan yahay fikirka Axmaarada ee ku salaysan inay liqaan dhammaan dadyowga ku dhaqan geeska afrika oo ay ugu horrayso Soomaalidu. Hadalkiisii ugu dambeeyey ee ku jiray khudbadii uu Barlamaanka u jeediyey waxa ku jiray hadal cad oo ku aroora siyaasaddii Axmaarada ee damaca badd-doonka Soomaalida. Waxaanu yidhi” waxaanu u baahanahay badd keliya, deked uma baahnin. Waxaanu u baahanahay badd aanu biyaheeda ummadayada uga dhigno biyo macaan.” Siyaasadii qoomiyada Axmaarada ee taariikhiyan ku fadhiday inay gar iyo gardarro ku helaan badd ayeynu waxoogaa ka soo qaadan doonaa si loo fahmo siyaasadda Raysal wasaare Abiya: