berberatoday.com
Dood Lagu Lafa-guray 60-Guurada Sannadka Afrika Iyo Kaalinta Somaliland Ee Qaaradda!
June 14, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa, Ayaa Qabatay Dood Si qoto dheer loogu lafa-guray lixdan guurada ka soo Wareegtay bishii June 1960-kii oo ah sannadkii ay inta badan Dalalka Afrika xornimada ka qaateen gumaystayaashii reer Yurub oo lixdan-guuradeedu ku beegantay June 2020-ka, isla Markaana hal-ku-dheg looga dhigay Sannadka Afrika iyo Kaalinta Somaliland ee Qaaradda.

Dooddan oo Sabtida 13-ka bisha June 2020 la qabtay, ayaa ku Qabsoontay habka online-ka oo si toos ah looga daawanayey Facebook-ga, ay lagaga hadlay sidii ay Somaliland hormuudka ugu ahayd xornimada Soomaalida iyo weliba dalal kale oo Afrika ah, iyadoo Xornimada ka qaadatay Maxmiyaddii Boqortooyada Britian 26 June 1960-kii, heerarkii iyo marxaladihii kala dambeeyey ee ay soo martay xornimada Somaliland, midnimadii dhex-martay Soomaaliya iyo waxay ka sinnaayeen amma ku kala duwanaayeen dalal badan oo isla xilliyadaa gumaysiga ka hoos-baxay oo Qaaradda Afrika ka tirsan iyo weliba halka maanta wax marayaan.

Waxaa Dooddaas ay soo diyaarisay Xarunta Dhaqanke ee Hargeysa, ka qayb-qaatay Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan iyo Marwo Yusuf Abraar, Agaasimaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Iid Muuse iyo Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Dr. Jaamac Muuse Jaamac, waxaana daaddihinayey Dhakhtar Maxamed Guudle.

Waxaanay dhammaan Aqoonyahanka ka qaybgalay doodda darafyo kala duwan ka muujiyeen inkasta oo dalalka Afrika oo dhami xornimada qaateen, haddana intooda badan aanay weli ka hoos bixin ee ay u dhutinayaan qaar badani dhibaatooyinka gumaystaha ay ka hoos-baxeen, balse aanay ka faro-bixin, halka ay qaarna u naafoobeenba lurka gumaystihii Albaabka laga saaray oo waddammo badan Daaqadda dib uga soo galay.

Caqabadaha ugu waaweyn ee Afrika ragaadiyey ee ay dib u abuureen dagaallada qaboow ee gumaystuhu, ayey Xubnahani ku tilmaameen in lagala dagaallamay dhaqaalaha, waxbarashada, wax-soosaarka isku-fillaanshaha, xasilloonida, helitaanka nabad-dhammaystiran, halka ay Madaxda Afrika gumaystaha ka dhaxashay iyo kuwii ka dambeeyey qaar badan oo ka mid ahina, noqdeen keliteliyeyaal burbur u horseeday dalalkooda, musuqmaasuq, qabiilaysi, sinnaan la’aan, nidaamka dimuquraadiyadda oo ka shaqayn waayey inta badan Afrika iyo dhibaatooyin kale oo la hal-maala.

Waxaanay Doodda ku soo ururiyeen oo ay soo jeediyeen in la joogo xilligii la joojin lahaa, kuwaa beddelkoodana loo qaadan lahaa xalkooda iyo qodobbada horumarka dal iyo dad-ba ay waddamada qaaraddu ku gaadhi karaan iyo xaaladaha kala duwan ee xilligan ku gedaaman Somaliland oo iyaduna ka mid ah dalalkii xorriyadda qaatay June 1960-kii kuwooda waqtigan naafada u ah ee aan ka wada bogsan nabarrada ka soo gaadhay hantaaqooyinkii xornimada ka dib ay la kulantay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews