Weftigii Madaxweyne Muuse Biixi Hogaaminaayay Ee Wada Hadalada Somaliya Jabuuti Kaga Qeyb Galayay Oo Hadda Dhoofay Iyo Wasiirka Arimaha Debeda Oo Faahfaahin Ka Bixiyay
June 14, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Weftigii Somaliland uga qeyb galaayay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya dalka Jabuuti saaka uga furmaya ayaa hadda ka dhoofay garoonka diyaaradaha Hargeysa waxaan weftigaas kamida Madaxweynaha oo hogaamiyana wasiiro Xukumadiisa katirsan, Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland iyo Marwo edna Aadan Ismaaciil Oo Madax u ah gudida Citiraaf Raadinta Somaliland.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in waftigii Somaliland ku matalaayay shirka Jabuuti ay hadda amba-baxayaan.