Hooyo Wiil Ay Dhashay Lix Sano U Afduubanyahay Madaxweynaha Dawlada Jabuuti Oo Xabsiga Gabood Ku Jiro Oo Faarin Qiiro Leh Iyada Oo ilmaynaysa Udirtay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biix Cabdi
June 16, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdilaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim, Waa Muwaadin u dhashey Dalka Somaliland, oo kasoo jeeda Gobolka Gabiley Gaar ahaan Beesha (Madigaan), oo Sanadkii 2014kii ayaa laga Qabtey Magaalada Hargeysa isaga iyo dad kale oo badan, oo ay Kamid ahaayeen Mulkiilayaashii Xawalaada uu ka Shaqeyn jirey, oo iyagu Masuuliyada lahaa haseyeeshee, Waxaa Dadkaa kale ee lala qabtey Sii Daayay, Madaxdii Xiligaa Xukuumadii Hore ee Madaxweyne, Axmed Siilaanyo, oo inankani Waayay isagu Cid Madax ah oo daba Socota.
Muddo Lix Sanadood ah oo uu Ku Xidhan Yahay Dalka Jabuuti ayaan Marnaba la marin Wax Maxkamad ah Waxaanu ku joogaa Xadhigii ay Dalkaasi ku Geeyeen Sirdoonka Qaranka Jabuuti, oo Baadhsitiisa Natiijo Fiican Aan Ku Helin.