berberatoday.com
Halkan Ka Akhri Nuxurka Qodobo Hordhac Ah Oo Ay Isla Qaateen Gudiyada Farsamo ee Waddahadalka Somaliland iyo Somalia.
June 18, 2020 - Written by Berbera Today

Jabuuti(Berberatoday.com)Qodobada Hordhac ah ee ay Soo Saareen Guddiyada Farsamo ee Waddda Hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya

Jabuuti-18-06-2020-Shirkii wada-hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ee ka socday Waddanka Jabuuti ayaa caawa labadii dhinac ku kala saxeexdeen waxa loo yaqaan Minutes-ka, kaasi oo ah is afgarad hordhac ah oo labada dhinacba isla qaateen.

Sidoo kale waxay sheegeen in laysla qaatay Shan qodob kuwaasi oo loo saaray Saddex guddi hoosaadyad oo ka wada shaqayn doono qodobadaasi, Waxaana ka mida qodabadaa uu Warbaahinta u akhriyey Shirgudoonka Shirka oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabuuti.

 

 

1. Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan

2. Sidii dib loogu dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac.

3. Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiridoona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiridoona waddanka Jabuuti.

4. Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah ku shiridoona waddanka Jabuuti.

5. Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada.

Dhamman Saddexdaa guddi shan iyo toban cisho ka dib waxay ku kulmi doonaan Jabuuti, waxaana lagu magacaabay guddiyadaasi (Technical sub comment) Guddida guud ee farsamado ee wada-hadalada oo lagu magacaabo (Join Ministerial Comment), waxaanay 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada.

Wa Bilaahi Tawfiiq

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews