“Waxa Jira Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Dalka Jabuuti Mudo 6 Sano Ah Ku Xidhan Dawlada Jabuuti Waa Kala Hadalay Kiiska Dacwadiisana Dib Baa Loo Furayaa”Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
June 18, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in dawladda Jabuuti ay kala hadleen xadhiga Cabdilaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim, oo muddo ka badan 6 Sannadood ku xidhnaa Xabsiyada Waddanka Jabuuti.
Biixi, ayaa sheegay in ninkaas dacwadiisa dib loo eegi doono.
Cabdilaahi, ayaa Hargeysa laga qabtay markii ay Qaraxyo ka dhaceen Jabuuti lix sannadood ka hor iyadoo Xukuumadda Somaliland u gacan gelisay Dawladda Jabuuti.
Mu’waadinkan oo u dhashay Somaliland ayaa marka la qabtay Aroos ahaa muddo Saddex Habeen ah.
Hooyada Dhashay Wiilka xidhan ayaa dhawaan Warbaahinta la hadashay iyadoo murugaysan