Dawladda Itobiya Oo Ka Hadashay Wada-Hadallada Somaliland Iyo Somalia Ee Jabuuti Ka Qabsoomay
June 20, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Itoobiya ayaa ka hadashay shirkii Somaliland iyo Soomaaliya ugu qabsoomay dalka Djibouti.
Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa warbixinta toddobaadlaha ah ee ay soo saarto, waxay shalay kaga hadashay shirkaas oo ay ku tilmaantay inuu muhiim u yahay gobalka Geeska Afrika. “Hoggaamiyayaasha dawlada Federaalka Somaliya iyo Somaliland ayaa shir loogu qabtay Djibouti 14 June. Kulanka waxa martigeliyay oo guddoominayay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar GEele, oo yidhi, “Dib u bilaabista wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu sawir fiican u yahay balan qaadka madaxda gobalka ee inay wixii khilaaf ah ee jira wada hadal ku xaliyaan.”