6 Qof Oo U Dhashay Dalka Hindiya Oo Ku Sugan Gudaha Somaliland Oo Laga Helay Cudurka COVID 19.
June 21, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Baadhitaanka 48kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 147 Sagaal iyo labaatan qof (29) ayaa laga helay xanuunka, 23 qof waa somalilanders. Halka 6 qof udhasheen dalka Hindiya. Bukaanadan 24 qof waa rag, 5 qofna waa dumar.
Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(10jir ilaa 19jir = 5 qof)
(20jir ilaa 29jir = 6 qof)
(30jir ilaa 39jir = 8 qof)
(40jir ilaa 49jir = 6 qof)
(50jir ilaa 59jir = 4 qof)