Michael Rubin Oo Mar Kale Ugu Baaqay Dawladda Maraykanka Inay Xafiis Ka Furato Somaliland, Naqdiyey-na Donald Yamamoto.
June 21, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Michael Rubin oo ah Aqoonyahan Maraykan ah oo ka tirsan Machadka American Enterprise Institute, ayaa mar kale ugu baaqay Dawladda Maraykanka inay Xafiis diblomaasiyadeed ka furato Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay dal dimuqraadi ah oo muhiim u ah Maraykanka.
Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu Michael Rubin ku daabacay Wargeyska Washington Examiner, taas oo uu kaga hadlay wadahadalladii Jabuuti Toddobaadkii hore ku dhex maray Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Maraykanku kaalin ku lahaayeen.