Trump”Ilhaan Maraykanka Waxay La Doonaysa Inay Ka Dhigto Sidda Dalkii Ay Ka Timi Ee Soomaaliya……”
June 22, 2020 - Written by Berbera Today
Washintong(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo cusbooneysiiyay weeraradiisa ka dhanka ahaa Ilhaan Cumar oo ka tirsan koongareeska Mareykanka isagoo taageerayaashiisa u sheegay in haweeneydan ay dooneysa inay Mareykanka ka dhigta sida dalka ay ka soo jeeda ee Soomaaliya oo kale.
Trump ayaa hadalkan ka jeediyay isku soo bax siyaasadeed oo uu Sabtidii ku qabtay gobolka Oklahoma kaasoo ah kii ugu horreeyay ee uu qabta tan iyo markii uu dillaacay xannuunka covid19 bishii March.
