|
berberatoday.com
Kumuu Ahaa Ninkii Sameeyay Calanka Jamhuuriyada Somaliland?
June 23, 2020 - Written by Berbera TodayMarxuum #Muraad Cabdale Mubaarik Kumuu Ahaa ama Ninkii Calanka #Somaliland sameeyay? Dalkasta oo dunida ka mid ahi ama umadkastaa oo ku nool dunida guudkeeda waxa ay xisaan dad yawgii u soo halgamay ama noloshooda Wax ku soo kordhiyay, sida halgan, horumar dhinaca bulshada iyo dhinaca siyaasadda. Marxuum Muraad Cabdale Mubaarik markii u geeriyooday waxay ku beegnayd 30/10/2007 Waxa kale oo uu Marxuumku uu ahaa shaqsi aad u wadani ah oo ay ku dheer tahay dhulkiisa hooyo, taasi waxa aan ku caynayaa run ahaanti anigu waxa aan la soo shaqeeyay 1 sanno, oo aan u ahaa #Xoghayn waxaana aan hadaladiisii aan ka xasuustaa mar aan waydiiyay wax ka keenay dalka Canada, waxaanu iigu jawaabay “dalkayga waxaan ka maqnaa in mudo ah waxaana ku noolaa dalalka Sucuudiga iyo Canada, balse intii aan ku noolaa waxaan dareemayay dhulkaygii hooyo”. Marxuum Muraad Cabdale Mubaarik waxa uu mudan yahay in loo sameeyo Taalooyin, lana xuso sannad kasta, laguna daro Manhajka taariikhta #Somaliland si ay u ogaadaan Jiilasha soo socdaa shaqsigii Calanka ay hoos joogaan sameeyay waxa uu ahaa iyo halgankii uu galay samaynta Calanka ay hadhsanayaan maanta. “Marxuum Muraad Cabdalle Mubaarak wuxuu ka soo jeeday Caa’ilad Cariiq “Qoys Ballaadhan” oo Magaalada “Zaylac” qadarin weyn ku lahayd, dhinaca baayac-mushtarigana can ku ahayd. Markii dambe Magaalada “Borama” ayey u soo guureen halkaa soo uu Marxuumku ku dhashay 1950, Malacaamadii iyo Dugsigii Hoose-ba “Borama” ayuu ku dhigtay, balse wuxuu ku dhammaystay Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeysa, wuxuuna ka baxay Dugsiga “Biyo Dhacay” Marxuumku wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo Farshaxan “Arts” ka xeeldheer, Hibadaasoo Caa’iladooda “Qoys” badankooda ILLAAHAY ku mannaystay. Marxuuum Muraad wuxuu waxbarasho ku tegey dalalka ay ka mid yihiin “Talyaaniga” iyo dalka “Jarmalka”, Marxuumku wuxuu mudde ka shaqaynaayay dalkii la odhan jiray “Jamhuuriyadda Soomaaliya” wuxuuna ku caambaxay hawlo badan oo uu qabtay, sida samaynta “Tigidhada” iyo “Karakaaterada” ama loo yaqaano Kartooniska ay Saxaafadu isticmaasho. Marxuum Muraad Cabdalle Mubaarak waxaa tiroba laba jeer loo taxaabay Jeelka, ka dib markuu Taliskii “Siyaad Barre”ka shakiyey inuu Marxuumku Farshaxanimadiisa u adeeg-saday “Brobogaandhaha” Dacaayadaha Rajiimka, Marxuum Muraad wuu ka baxay dalka, waxaanu tegey dalka Sucuudi Carabiya, waqtigaas oo ku beegantay markii Halganku (SNM) dalka ka aloosamay, qayb libaax ayaanu ka qaatay isagoo Fasamadaa ILLAAHAY u dhibyareeyay ku muujin jiray had iyo jeer sida arxandarrada ah ee Taliskii Faashiga ahaa umadda ugula dhaqmaayey. Marxuumku wuxuu usii baqoolay dalka “Canada” halkaasoo uu muddo ku noolaa, balse Marxuumka marnaba waxaan ka maqnayn qalbigiisaa kalgacalka iyo jacaylka uu u qabay dalka iyo dadka reer Somaliland, sidaa darted ayuu u soo guryo noqday si uu dalkiisa iyo dadkiisa horumarkooda uga qayb qaato. Marxuum Muraad Cabdalle Mubaarak waa Ninkii Hindisay “Calanka” Jamhuuriyadda Somaliland, Tigidhada, Farshaxanka (Lacagta Somaliland), Astaamaha Qaranka Qaarkood, Maababka iyo Khraa’idka #Somaliland ee muujinaaya Tusaalooyin badan oo saameeya Cilmiga, Cimilada, Degaanka, Khayraadka Dabiiciga, Baasaboorka Somaliland IWM. Marxuum Muraad Cabdalle Mubaarak waxay tii ILLAAHAY ku timid isagoo faraha ku haya hawlo fara badan oo dalka anfici lahaa, wuxuu ifka kaga tegay 5 “Carruura ah” Saddex Wiil iyo Laba Gabdhood ILLAAHAY Marxuum Muraad Cabdalle Mubaarak ha u Naxariisto Naxariistii Janna haka waraabiyo, Ehelediisii iyo dadka reer Somaliland-na samir iyo iimaan ha ka siiyo INAN LI LLAAH WA INAN LI LLAAHI RAAJ COMMENTS
|
||||
|