Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Si Adag Uga Horyimid Qodobadii Ay Xukuumada Biixi Kula Heshiisay Somaliya, Kana Digay Isdhexgalka Labada Bulsho.
June 24, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa si adag uga horyimid qodobada kasoo baxay shirkii Somaliland iyo somaliya ee ka dhacay dalka jabuuti iyo qodobo dhawac ku ah Somaliland ee kasoo baxay
Sidoo kale suldaan maxamed cabdiqaadir ayaa sheegay in qodobka isdhexgalka eek u jira qodobada ay ku heshiiyeen Somaliland iyo somaliya ay yihiin kuwa loo adeegsado laba dal oo dib umidoobaya
Dhanka kale suldan maxamed cabdiqaadir ayaa madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay in wixii loosoo dagaalamay ee uu Somaliland ku hogaaminayay aanu ahayn sidan Somaliland aanay ka mudnayn in uu hoos geeyo somaliya.