Wareegtooyin Is-khilaafsan Oo La Xidhiidha Fasaxa Shaqaalaha Ee 26juun Oo kasoo Kala Baxay Haayada Shaqaalaha Dawlada Iyo Wasaarada Shaqada & Arimaha Bulshada Somaliland
June 26, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Laba Wareegto Oo is khilaafsan, oo ku saabsan Fasaxa shaqaalaha dawlada ee Xuska qaran ee 26-ka Jun, ayaa kasoo kala baxay Wasaarada Shaqo-gelinta, Iyo Arimaha Bulshada iyo Haayada Shaqaalaha dawlada, kuwaasi oo isku maandhaafsan maalmaha fasaxa Shaqaalaha dawlada iyo kuwa rayidka ah.
Labadan wareegto ee ay soo kala saareen gudoomiyaha haayada shaqaalaha dawlada iyo Agaasimaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada
Halka gudoomiyaha haayada shaqaalaha dawladu uu ku sheegay qoraalkiisan in aanu shaqaalaha dawladu fasax ahayn maalintii qaranku u asteeyay in ay safax yihiin shaqaalaha dawladu.