“Aragtida Labada Madxqayne Ay Isla Fahmeen Ilaa Hadda Waxaynu Ka Haynaa Madaxwayne Farmaajo Oo Keliy, Halka Ay Ka Duulaysana Waa Wax La Fahmi Karaa”Mujaahid Cali Guray
June 27, 2020 - Written by Berbera Today
SOMALILAND: MADAXWAYNE ARAGTI LEH WAA LOO BAAHAN YAHAYE MEE?
Madaxwayne Farmajo marka hore wuu ku mahadsan yahay amaanta uu amaanay dhigiisa Somaliland, Madaxwayne Biixi.

Aragtida labada Madxqayne ay isla fahmeen ilaa hadda waxaynu ka haynaa Madaxwayne Farmaajo oo keliy, halka ay ka duulaysana waa wax la fahmi karaa oo ah 30kii sanadood ee ugu dambeeyay in Somalia ay waxba noqon kari wayday, Somalilandna ay waxba noqon kari wayday ee loo baahan yahay talo dambe ayuun baan kolay anigu u fahmay.. Hadaba ta Somalia gartay oo waa run ee ta Somaliland inay waxba noqon kari wayday kuma raacsani, hadii aanay ahayn Somaliland wax kasta oo ay qabsatay iyo wax kastoo ay dadaal samaysay horumarna ay gaadhay hadana 30kii sanadood way ku fashilantay higsigeedii mar hadii bulshada caalamka hal waddan oo aqoonsada daaye ay ka heli wayday saaxiiib keliya oo isku garab taaga qadiyadeeda gooni-isu-taaga, halka xataa wadamada daneeya Somaliland oo dhami ay isku raacsan yihiin midnimada Somalia iyo Somaliland. Markaa taasi waa xaqiiqo aan la dafiri karayn.