“Midnimo Dambe Oo Soomaaliya Ina Dhexmartaa Ma Jirayso..”Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Tignoolajiyada”Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi
June 27, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknooliyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa ka hadlay qorshaha Wasiiraddiisa ee Tiknooliyadda iyo doorka ay ka qaadatay shaqada Dawladda, muddadii ay fasaxa ku jireen, xilli uu maalmo koobani ka hadheen xayiraad ka qaadista uu sababay xanuunka Covid 19.
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknooliyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale tilmaamay in aanay sinaba u dhacayn in midnimo dambe oo dhexmarta Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu xusay in Calanka Somaliland ee tawaxiidku ku qoran yahay in aanu marnaba meesha ka baxayn, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya wada-hadallada “Inaynu Soomaaliya la hadalo, oo aynu xaqeena kala hadalo oo aynu u caddayno inaynu kala nahay laba dal, caalamkana u soo bandhigo inaynu nahay dal madax banaan, waa caadi, qorshe fiicana waynu la tagnay Jabuuti, isla qorshe fiican oo guul lehna weynu kala soo laabanay, mar kasta oo aynu Soomaaliya la hadlayna wax danteena ah ayeynu kala hadlaynaa, sidaas darteed in arintii is dhexgalka ee sida khaldan loo turjumay Madaxweynaha ayaaba dhameeyay oo waa kii ku caddeeyey khudbaddii munaasibadda 26-june, cid kasta oo dalkeena ka tagaysa iyo cid kasta oo dhanka Soomaaliya ka imanaya qodobada ay raacayaan Madaxweynaha ayaaba sheegay, khudbaddii uu Jabuuti ka soo jeediyey Madaxweynuhu wax walba oo dhankeena ah wuu ku caddeeyey, midnimo dambe oo Soomaaliya ina dhexmarta ma jirayso, astaanta calankeena ee uu ku qoran yahay tawxiidkuna marnaba lagama yaabana inuu dhaco, inuu dhaco iska daaya xittaa lama dejin karo, sidaas darteed Madaxweynuhu dalkiisa iyo dadkiisaba waa u daacad, cid uga lexe-jeclo badana ma jiro”.