“Xanuunkii Covid_19 Weli Wuu Joogaa Ee Qof Walba Caafimaadkiisa Ha Ilaaliyo..”Ex Wasiir Cumar Shuceyb
June 27, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dr. Cumar Shucayb Maxamed oo Xukuumaddii hore ee Axmed-Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Ganacsiga, kana mid ah Dhakhaatiirta dalka, ayaa ka hadlay xayiraadda ay qaadeen Guddida ka hor taga xanuun ka Koronuhu,wuxuu tilmamaay inay arrintani timid markii ay meesha ka baxday cabsidii laga qabay Xanuunka Covid_19, balse uu dalka weli xanuunku joogo, sidaasi darteedna loo baahan yahay in taxaderkiisa la sii wado.