War Deg Deg Ah”Madaxweyne Muuse Biixi Oo Isku Shaadhayn Iyo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Gudoomiyayaasha Gobolada Dalka
June 29, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isku shaandhayn iyo xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyayaasha Gobolada dalka waxaana sidaas lagu cadeeyay wareegto Madaxweyne oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi islamarkaana uu isagu ku saxeexanyahay, wareegtada ayaa udhignayd sidan hoos ku qoran”
WAREEGTO MADAXWEYNE: 29 /06/2020
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida, sidoo kalena uu ku sameeyey bedel.
Wareegto Madaxweyne
Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim;
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd
Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse;
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal.
2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.
4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.
6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar


ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.