Puntland Oo Ka Hortimid Xeerar Uu Ansixiyey Golaha Shacabka Dawlada Somaliya
June 30, 2020 - Written by Berbera Today
Garowe(Berberatoday.com)-Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay kaga soo horjeedaan in sharciga doorashooyinka ee xilligan jira lagu geli karo doorasho qof iyo cod ah.
Sidoo kale baarlamaanka Puntland waxay sharcidarro ku tilmaameen go’aankii baarlamaanku ku ansixiyey kuraasta aqalka sare ee matalaadda Gobolka Banaadir.