berberatoday.com
Xarunta Dhaqanka Hargeysa Oo Dood Taariikhi ah Ka Qabatay 26 June 1960 /2020: 60 Sano ka dib Xorriyadda Halkay Somaliland u Socotaa?
June 30, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com )-Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo dhawaanahan ba wadday doodo iyo xog-is-weydaarsiyo xidhiidh ah oo kala duwan, ayaa maanta qabatay dood ku saabsan 60-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimada ka qaadatay Maxmiyaddii Boqortooyada Britain 26 June 1960.

Doodda, ayaa lagu faaqiday, sidii xornimadaasi ku timi, iyada oo aan la toddoba-bixin midnimadii ay la gashay Somaliland Soomaalidii Talyaaniga xornimada ka qaadatay 1-dii Julay 1960-kii, wixii ka qaldamay, halkay hadda wax-marayaan iyo lixdan sano ka dib xornimadaas halka ay Somaliland u socoto.

Waxaa Dooddan lagu qabtay habka ismaqal-aragga ee internet-ka, ayaa si toos ah looga daawanayey Bayjka Facebook ee Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, isla markaana Xubnaha Doodda ka qaybgalay, ayaa ka jawaabay su’aalo toos ah oo khadka internet-ka Dadweynuhu ku soo weydiiyeen.

Doodda waxaa ka qaybgalay Aadan Muuse Jibriil oo ah Diblamaasi xilal Safiirnimona ka soo qabtay Somaliland, Rooda Maxamuud Karraani oo madax ka ah Urur ka dhisan dalka gudihiisa iyo weliba Dalka Britain Jacfar Maxamed Gaadaweyne oo ah Khabiir dhinaca waxbarashada ah, Buugaag kala duwanna ka qoray waxbarashada, muddona ka shaqaynayey Ururrada Bulshada iyo Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo isna qayb ka ahaa barnaamijka oo uu daaddihinayey Agaasimaha Xarunta Dhaqanka Iid Muuse.

Haddaba, Dooddaas oo dhammaystiran, su’aalaha la soo weydiiyey Xubnaha Doodda ka qaybgalay, jawaabaha ay ka bixiyeen iyo guud ahaan sida barnaamijkaasi u qabsoomayba, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan

 

 

 

 

 

 

Beerberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews