Koontiinar Ay Kujiraan Waxyaalo Dareere Ah Oo Kimikal Ah Oo Ku Gubtay Dekeda Berbera
July 4, 2020 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Koontaynar Ay ku Jiraan Suno iyo Waxyàabo Aan la garanayn Ayaa goordhaweyd ku Gubtay Barxada Dekadda Magaalada Berbera
Ciidamada Dabdamiska ee Shirkada Dp world ee mamusha Dekadda Berbera ayaa usoo gurmaday Bakhtiinta koontaynarkan Ay ku jiraan shixnada dareeraha ah Ee dabkani sababtay
Ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay Dabkan ka kacay Container ay ku jiraan walxaha dareeraha ah Ee dabkani sababay,
waxaana baananka looga Saaray Koontaynarkan Shixnadihii kale ee yaalay barxada dambe Ee Dekadda Magaalada Berbera
Maamulka Shirkada Dpworld Ee Berbera ayaan wali ka hadlin Sababta keentay Dabkan ka kacay Koontaynarkan iyo waxa ku jira
Waxana Koontaynarkan loo malaynayaa inay ku jirto Sun iyo Walxo dareere ah oo mar hore ku gubtay Dekadda Magaalada Berbera
