Wiil Dhalinyaro Ah Oo Lagu Dilay Garoonka Kubada Cagta Ee Xaafada Jig Jiga Ee Dhalinta Kacaanka.
July 4, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Alle ha Unaxariistee waxaa saaka cambaaro 7;00 subaxnimo lagu dilay garoonka kubada cagta ee dhalinta kacaanka ee xaafada jig jiga Yar kaasi oo lagu magacaabo Marxuum Maxamed Cabdi Xasan “Nageeye” oo dadiisa ahayd 19jir Kaasi oo gacan ka xaqdari dishay kadib markii wiil dhalinyaro ah oo katirsan caruurta ku jira xarunta Agoomaha Uu Tooray Ku Dhuftay laba jeer taasi Oo Uu Markii danbe UGeeriyooday Marxuumku Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Hargaysa.
Sida ay noo xaqajiiyeen dad xogogaal ah islamarkaana ku sugnaa garoonka ay wax dhaceen ayaa sheegay in wiilkan la dilay iyo ka ka dilka ugaystay ay hore xurgufi ugu dhaxaysay taasi oo ka dhalatay kubada ay kuwada ciyaaraan garoonka dhalinka oo aan waxba ka fogayn xarunta agoomaha.