Gudida Nashaqadeynta Qaranka Oo Dawladaha Hoose Ee Dalka Amaro Culus Oo Dhul Bixinta La Xidhiidha Kusoo Rogay
July 6, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudida Nashaqadeynta Qaranka oo ay Hogaaminayso Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa maanta oo bishu tahay 06-07-2020, Dawladaha Hoose ee Dalka ka joojisay Qorsheynta Dhulka Iyo Beeraha ilaa inta Magaalo kasta ka yeelanayso Matser Plan.
Dhinaca Kale waxa isla maanta Dawladdaha Hoose ee Dalka laga joojiyey inay bixiyaan waxa Dhul danguud ah, isla markaan laga mamnuucay inay ku tagrifalaan Dhulka danta-guud.
Waxaana la faray dhamaan Maayiradda Dalka inay soo gudbiyaan Dhulkii Danta-guud ee ay qabteen Mudadii ay Xilka hayeen, Iyo Dantii Guud ee ay kala wareegeen Maayiradii Iyo Golayaashi Deegaan ee ka horeeyeey.