“Siilaanyo Wuxuu Jeclaa Horumarka Buuhoodle, Laakiin Waxa Hagradday Gacan-yarayaashiisii Kala Dambeeyey..”Saleebaan Xaglatoosiye
July 8, 2020 - Written by Berbera Today
Buuhoodle(Berberatoday.com)-Wasiirkii horre ee Caafimaadka ee Somaliland Saleebaan Ciise Xagla-toosiye iyo Wasiirkii horre ee warfaafinta Puntland Cali Sabaray ahaanna ku-xigeenka Xaglatoosiye ee ururkii SSC, ayaa ku kulmay muddo sagaal sannadood ka dib magaaladda Buuhoodle. Islamarkaanna labaddan masuul ayaa shaki ku abuuray shacabka ku dhaqan Somaliland, xilli sawir ay isla galeen oo lagu baahiyey baraha bulshaddu khal-khal iyo amakaag ku ridday in labaddan masuuliyiin soo noolayn karaan in ururkii SSC markale ka soo curto deegaanka Buuhoodle.
Wasiirkii hore ee wasaarada caafimaadka Saleebaan Ciise Xagla-toosiye ee xukuumadii Axmed Siilaanyo ayaa xukuumadda Muuse Biixi ku cannaantay in deegaanadda Buuhoodle ka dambeeyaan deegaanadda kale ee asaagoodda ah.